Kooxda Borussia Dortmund ayay dhibaato wayni ku dhacday saacad waqti ka yar ka hor waqtigii loo qorsheeyay in ay bilaabato ciyaarta ay la yeelanaysay kooxda AS Monaco waxaana qarax lala beegsaday Buskii siday ciyaartoyda kooxda ree Germany ee Borussia Dortmund.

Booliiska iyo kooxda Borussia Dortmund ayaa xaqiijiyay in qarax lala beegsaday Buska kooxda intii ay ku soo socdeen Garoonka Signal Iduna Parka waxayna wararka hordhacaya ahi sheegayaan in xidiga ree Spain ee Marc Barta cisbitaalka lagu sii wado kadib markii uu dhaawac soo gaaray.
Qoraal kooban oo ay Dortmund barteeda twitterka soo dhigtay ayaa lagu yiri: “Waxaa jirtay dhacdo markii uu Baskeeno soo baxayay. Hal qof ayaa ku dhaawacmay. War dheeraad ah ayaa soo bixi doona’. Sidoo kale Booliiska Germany ayaa qoraal kooban oo uu isna soo saaray ku yiri: “Goobta Dortmund waxaa ka dhacay qarax. Waxaanu xoog wayn ku joognaa goobta, makala cada koobtu. Fadlan waxaad sugtaan cadaynta rasmiga ah.

Wararka ugu dambeeyay ayaa sheegaya in aanu qaraxani si toos ah ugu dhex qarxin Buska Dortmund balse uu ka qarxay meel u dhaw hotelka ay daganaayeen markii ay ka soo baxayeen.


