DEG DEG: Bililiqo ka socota Jigjiga iyo Wararkii ugu dambeeyay

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya  Magaalada Jigjiga xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Magaaladaasi ay ka socoto Bililiqo ka dib markii ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya ay la wareegeen.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Ciidamadii Federaalka ayaa Magaalada ka wadda Bililiqo xooggan.

Ciidamada dowladda Dhexe ee Itoobiya ay la wareegay xarumaha ugu muhiimsan dowlad degaanka Soomaalida ee ku yaalla Jigjiga.

Ilaa iyo Hadda meelaha ay bililiqaddu ka socota waxaa ka mid ah   xarunta Bangiga  dhexe ee Magaalada Jigjiga, waxaa sidoo kale bililiqo ka socotaa Goobo ganacsi oo ku yaalla Magaalada Jigjiga.

Waxaa sidoo kale jira Khasaare ka dhashay Isku dhac dhexmaray Ciidamada  Liyuu Boolis iyo kuwa dowlada dhexe ee saakay qabsaday magaalada.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net