DEG DEG: Bambo Gacmeed lagu Weeraray Suuqa Bakaaraha

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Bambo Gacmeed lagu Weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Suuqa Bakaaraha.

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Bambo gacmeedka waxaa lagu tuuray Qeybta Khudaarta ee Suuqa Bakaaraha.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay labo kalena waxaa soo gaaray dhaawac.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa dhammaantood ah Shacab.