Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay Shabeelaha Dhexe

Wararka ka imaanaya Tuuladda Koongo ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleed halkaasi wada degan.

Ugu yaraan 2 Qof ayaa ku dhimatay  3 kalena waa ay  ku dhaawacmeen dagaalkaasi.

Dadka dagaallamay oo Beeraley ah ayaa waxaa uu dagaalkooda ka dhashay kaddib markii uu soo dhexgalay muran salka ku haya lahaanshaha dhul beereed .

 

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Risaala u sheegay in waddaan dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo dagaalka degaanka Koongo.