Al-Shabaab oo Qaraxyo ku weeraray Saldhig Ciidan

Wararka naga soo gaaraya degaanka Buulo Gaduud ee gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaaan in Saakay Aroortii halkaasi ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaal culus ayaa la sheegay in uu halkaasi ka socdo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay Qaraxyo iyo Weeraro ay ku qaadeen degaanka Buulo Gaduud oo 30 km u jira Magaalada Kismaayo.

Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in lagu weeraray Saldhigga Ciidamada Jubbaland ee degaankaasi.

Ilaa iyo hadda lama ogga Khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.