Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Bahlaawi ayaa Shaqadii si KMG ah waxaa uga joojiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.
Mudane Bahlaawi ayaa waxaa lagu soo eedeeyay Musuq maasuq.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa Si KMG ah waxaa loogu magacaabay Agaasimihii Wakaaladda Wararka SONNA Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Caddaala.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa Xilkii ka qaaday Agaasimeyaasha TV-ga Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho , Waxaana uu magacaabay Agaasimayeyaal Cusub.


