War Idaacadda Risaala goor dhaw soo gaaray ayaa sheegaya in Afayeenkii Golalaha iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdullaahi Shiikh Xasan uu iska casilay xilkaasi.
Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa iscasilaadiisa ku sheegay in ay ku kaliftay kadib markii Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu iscasilay waxa uu sheegay in uusan xilka afayeenimo ee Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada uusan sii heyn karin maadama uu meesha ka baxay Madaxweynihii keynsaday sida uu sheegay.
Iscasilaadan uu sameeyay Afayeenkii Golaha iskaashigaaayaa ayaa imaanayso wax yar uun ka dib markii uu Shariif Xasan Shiikh Aadan uu iska casilay xilka madaxweynenimo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.



