Mundo Deportivo ayaa baahisay in xidigii hore ee Barcelona Pablo Moreno uu Juventus kala qayb galay tababarkii ugu horreeyay ee kooxda waa wayn.
Kooxda lagu naynaaso marwada duqda ayaa tababarkii ay isugu diyaarinaysay kulankii ay la ciyaartay Bologna ayaa waxaa safka tababare Massimiliano Allegri kasoo muuqday da’yarkan.
Moreno oo 16-jir ah ayaa xagaagii lasoo dhaafay Old Lady kaga soo biiray Barcelona, xidigan ayaana tan iyo markii uu kooxda yimid kamid ahaa xidigha ay da’doodu kahoosayso 17-jirka.
Balse da’yarkan reee Spain ayaa xirfaddiisu waxa ay u suurta galisay in uu kamid noqdo xidigaha da’yarta ee isaga ka wayn.
Maalinimadii shalay Pablo Moreno ayaa kaqayb galay tababarkii ugu horreeyay ee kooxda waa wayn isaga oo nasiib u yeeshay in uu la tababarto Cristiano Ronaldo.
Moreno aya saftay kulankiisi ugu horreeyay ee xidigaha ay da’doodu ka hoosayso 16-jirka ee dalka Spain markii uu 70-gool u dhaliyay kadib markii uu 30-kulan u saftay xidigaha Barcelona ee ay da’doodu 14-ka sano.
16-jirkan weerarka ka ciyaara ayaa horay shabaqa u dul dhigay wax ka badan 200-gool intii uu ku guda jiray xirfaddiisa caruurnimada, halka ay shalay u suurta gashay in uu la tababarto Cristiano Ronaldo kaas oo 5-jeer noqday laacibka ugu wanaagsan dunida.



