Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ahi, in lagu dilay mid ka mida hoggaamiyayaasha ururka Al-Shabaab.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu ka dhacay deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada Dhexe taariikhdu markay ahayd Bishan October 01, 2022.
Hoggaamiyaha ururka Al-Shabaab ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Nadiir isaga oo ahaa madaxa dacwadda ee kooxda, iyada oo dawladda Soomaaliya ay ku tilmaantay inuu ahaa, “mid ka mida kuwa ugu sharta badan Al-Shabaab.”
“Horay wuxuu usoo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda, waana shakhsiga ay argagixisadu u diyaariyeen in uu badalo Horjoogaha bukaanka ah ee Al-Shabaab ee Axmed Diiriye.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hoggaamiyaha la dilay uu ka mid ahaa ragga ay madaxiisa saaran tahay lacagtu ee ay baadigoobayeen dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah. “ugu dambayn waxaa soo helay sirdoonka qaranka ee Soomaaliya ee NISA” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.
“Dilkiisu waa qodax laga siibay ummadda Soomaaliyeed oo [ay] ka nasan doonto dhagartii iyo marin habaabintii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la ciqaabo dembiileyaasha kale ee ku hawlan dhagarta Shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay dawladda Soomaaliya.



