Dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo Koonfur Galbeed isku dhiibay

Dagaalyahano dhanka Qaraxyada u qaabilsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Baay.

Sida ay Risaala u sheegeen Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Raggaan waxaa ahaayeen Hogaamiyeyaal Sar sare.

Tirada ragga isa soo dhiibay ayaa lagu sheegay Afar.

Wali Faahfaahin rasmi Koonfur Galbeed kama bixin Magacyadda Raggaasi iyo sidoo kale qaabka ay isku soo dhiibeen.

Faahfaahin kala soco Risaala.net