Dagaalka Sudan oo saameeyey dhoofinta saliidda ee Koonfur Sudan

Dowladda dalka Koonfur Sudan ayaa ka walaacsan saamaynta dhaqaalaheeda uu ku yeelan karo dagaallada ka socda dalka ay deriska yihiin ee Sudan, kaasi oo ah marinka ugu weyn ee dalka Koonfur Sudan ay ka dhoofsato wax soo-saarkeeda saliidda cayriinka ah ee ay soo saarto.

Koonfur Sudan ayaa sheegtay iyadoo ka fikiraysa mustaqbalka dhaqaalaheeda inay waddo qorsho ay ku doonayso sidii ay ku heli lahayd marrin kale, oo ay ku dhoofsan karto saliideeda cayriinka ee ay soo saarto.

Dalka Suudaan gaar ahaan Magaalada Khartuum ayaa waxaa ka socda dagaalo sokeeye, kaas oo ay ku barakaceen Boqolaal Kun oo Ruux.