Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo xiran iyo sababta oo la ogaaday

Waxaa manta xiran inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaas oo ay degan yihiin Madaxda ugu sarreeysa ee dalka, waxana lagu arkayaa Ciidamada dowladda oo dadka iyo Gaadiidka u diidaya inay u gudbaan.

Sababaha manta loo xiray waddooyinka gala Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Ubax dhigayo taalada SYL maadaama Maanta ay ku beegan tahay 15-ka Bisha May Maalintii la Aas’aasay Dhalinyarada SYL.

Ammaanka Guud ee madaxtooyada iyo waddooyinka soo gala ayaa la adkeeyay, waxaana lagu arkayaa Ciidamada Madaxtooyada ee Koofiyada Gaduuda, kuwaas oo meel wala taagan, iyaga oo dadka iyo Gaadiidka u diidaya inay u gudbaan dhinaca Madaxtooyada.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Hotelka Royal ee Magaalada Muqdisho Maanta lagu qaanayo munaasabadda xuska 15-ka May, waxaana ka qeyb galaya Madax katirsan dowladda Soomaaliya, xilli Maanta ay ku beegan tahay hal sano-guuradii kasoo wareegtay doorashada Madaxweyne Xaasn Sheekh Maxamuud.