Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay G/Hiiraan

Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Burdho oo ku yaalla inta u dhaxeysa Deegaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan iyo degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu u dhaxeeyo laba maleeshiyo beeleed oo isku heysta dhul daaqsin ah oo deegaankaas ku yaalla,waxaana dagaalka ku dhintey hal Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan deegaanka Burdho ayaa waxaa ay sheegeen in haatan dagaalka uu si iskiis ah u joogsaday balse weli ay ishor-fadhiyaan labadii maleeshiyo Beeleed ee wada dagaalamay.

Dadka qaarkood ee ku sugnaa deegaanka lagu dagalamay ayaa waxaa ay bilaabeen inay barakacaan cabsi laga qabo in markale uu deegaanka lagu dagaalamey.

Mas’uuliyiinta Maamulada Tiyeegloow iyo Ceel-Cali ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe kama hadlin dagaalkaas,waxaana xusid mudan in dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay dagaal beeleedyada kusoo bateen dalka Soomaaliya.