Shabaab oo wadada u galay Guddoomiyaha G/Hiiraan

Matabaan-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaanka Hees oo u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar jidgal ah u dhigeen kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Dagaalyahanada Shabaabka iyo Ciidamadii uu watay ayaa Guddoomiyaha ayaa waxaa halkaasi ku dhexmaray Dagaal socday mudo ku siman saacad, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa ka soo amba baxay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa uu ku sii jeeday degmada Maxaas, halkaasi oo howlo shaqo uu ugu socday, sida ay inoo sheegeen ila wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Xeerilaaliayaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Hiiraan Maxamed C/qaadir Maxamed oo ka mid ah wafdiga Guddoomiyaha ayaa Risaala u sheegay in ay iska difaaceen raggii wadada u galay.

Wuxuu kaloo sheegay xeerilaaliyaha Shabaabkii weerarka soo qaaday in ay ka dileen Afar Dagaalame, sidoo kalena ka dhaawaceen 11 kale, dhankooda wuxuu sheegay in weerarkaasi uu kaga dhintay Hal Askari.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen ilaa Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay gubeen gaari NOAH ah.