Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab kaas oo ka dhacay deegaanka Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Alshabaab weerar ay ku qaadeen Xeri Ciidanda dawlada Federaalka Soomaaliya ay ku leeyhiin rr gobolkaasi , Waxana halkaas ka djacay dagaal laysi adeegsadat Hubka Nuucyadiisa kala diwan
Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay Degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud balse saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan degaankaas ayaa sheegaya in illaa 9 xubnood oo ka tirsan Alshabaab halkaas lagu dilay mana sheegin khasaaraha kale ee soo gaaray dhinacooda.
Xaaladda ayaa haatan degan waxaana si buuxda gacanta ugu haaya degaankaas Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka.
Hase’ ahaatee’ Alshabaab iyo Ciidamada Dawlada ayaa Dhowr jeer ku dagaalamay degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud .



