Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwo katirsan kuwa Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa ka socda Xaafada Bardaale oo kamid ah xaafadaha Magaalada Baydhabo e Xarunta Gobolka Baay.
Wararka qaar ee la helay ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay weerareen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo uu watay mid kamid ah mucaaradka diidan muddo kororsiga laftagareen.
Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, waxaana weli xaafado katirsan magaalada Baydhabo laga maqlayaa rasaas xoogan oo isku adeegsanayaan labada dhinac.
Warraka kusoo kordha dagaalka kala socda www.radiorisaala.com



