Dagaal xooggaan ayaa ka socda Deegaan ku dhow Degmada Cadale,kaasi oo u dhexeeya ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu xoogeysa uu ka soconayaa deegaanka Sumadalla, iyadoona la soo werinayo inuu jiro khasaare soo gaaray labada dhinac.
Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhawaqa rasaasta laga maqlayo deegaanada u dhow goobta uu dagaalka ka socdo.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Sumadalla ee gobolka shabeelada dhexe.



