Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Qaaqaani oo hoostaga degmada Afmadw ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Jubbaland & kuwo ka tirsan Kenya ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka degaanka Qooqaani ee degmada Afmadow ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.
Sidoo kale dadka degaanka waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqin qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.
Degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab, waxaana barbar socda howlgallo qorsheysan oo ay fuliyaan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed ee DANAB.



