Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaano kuyaalla Galbeedka Magaalada Kismaayo, kaas oo geystay khasaaro isuu jira dhimasho & dhaawac.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland oo howlallo ka waday inta u dhaeeya degaannada Cabdalla Biroole & Buulo Xaaji, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Gaashaanle Dhexe Deeqow Cabdinuur Aadan oo dagaalka faah fahinayay ayaa sheegay in howlgallada ay wadeen uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga maadaama Magaalada Kismaayo ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dagaalka ay uga dhaawacmeen laba Askari halka ay Al-Shabaaba ku gaarsiiyeen khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac welina ay wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dhowr jeer oo hore ayaa Degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ku dagaalamay Ciidamada Daraawiishta Jubbaland & Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.



