Dagaal dib kaga bilaawday deegaanka Tukaraq

Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyeen ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in dagaal uu halkaasi dib ugu bilaawday.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhinacyada Tukaraq isku hor fadhiya ay is weedaarsadeyn Madaafiic, iyadoo deeganada deegaankaasi ku dhaw dhawna jugtooda si aad ah looga maqlayey.

Ilaa iyo haatan Maamulka Puntland iyo Somaliland kama aysan hadal dagaalkaani dib usoo cusboonaaday Tukaraq, lamana oga khasaara ka dhashay dagaalka maanta.

Dagaalkaani ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo maamulka Puntland uu ku jiro diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha majaraha u qaban lahaa maamulkaasi.