Dagaal dib uga qarxay degaanada Qorilay iyo Karin Dabayl weyn

Dagaallo u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed ayaa dib uga bilawday degaanada kala ah Qorilay iyo Karin Dabayl weyn oo dhawaan ay ku dagaallameen dad xoolo dhaqato ah.

Waxaa sidoo kale dagaal  uu ka bilowday Degaanka Cagaare oo uu ka dhacay Dagaalka ay ku Nafwaayeen in kabadan 14 Qof 50 kale ay ku dhaawacmeen.

Wafdi Nabadoono ah kuwaas oo ka tagay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Burtinle ee gobolada Mudug iyo Nugaal ayaa gaaray degaanada  lagu dagaallamaayo sidda ay u xaliyaan waxyaabaha Khilaafka keenay.

Waxgaradka gobolada Nugaal iyo Sool ayaa soo jeediyay  baaq deg deg ah oo ku aadan  in dagaalka la joojiyo.