Bari-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Bari Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo ururka Al-shabaab ayaa xalay wuxuu ka dhacay halkaasi.
Shabaab ayaa weerar saf balaaran oo jidgal ah ku qaaday fariisin Ciidamada Puntland ku leeyihiin Buuraha Goolis ee degaanka Galgala, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Puntland.
Dagaalkan ayaa ahaa mid labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, taasi oo sababtay Dagaalka inuu ka dhasho khasaare kala duwan, oo labada dhinac ah.
War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen in dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiiyeen Ciidamada maamulka Puntland weerarkaasi.
Sidoo kale Shabaabka waxay sheegeen in fariisinkaasi ay ka carareen Ciidamada Puntland, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo xaqiijiniya sida saxda ee ay wax u dhaceen.
Saraakiisha Ciidamada ammaanka Puntland weli faah daahin kama aysan bixin weerarka ka dhacay Buuraha Golis ee degaanka Galgala oo ka tirsan Gobolka Bari.
Ururka Al-shabaab iyo kooxda yar ee Daacish ee ku sugan degaanada Puntland ayaa marar badan weeraray fariisimo Ciidamada ay ku sugan yihiin, halkaasi oo uu ku dhexmaray Dagaal.


