Dadaalladdii lagu sii deynayay Roobow oo Fashilmay

Dadaallo kala duwan oo ay waddeen Waxgaradka Magaalada Baydhabo iyo Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, kuwaasoo la doonaayay in lagu sii daayo Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Mansuur oo ku xiran Muqdisho ayaa fashilmay.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Siyaasiyiinta maamulka Koonfur Galbeed fashilka ayaa yimid ka dib markii dowladda dhexe ee Soomaaliya waxgaradka Baydhabo ay ku xujeeyeen in Miiska Wadahadalka uu ku matalo Roobow marka laga hadlaayo Shaqaaqadadii ka dhacday Baydhabo.

Roobow ayaa diiday in uu ku qanco Shuruudo badan oo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay hordhigtay si looga siidaayo Xabsiga, waxaana qeyb ka ah in dhacdadii ka dhacday Baydhabo uusan faragalin, islamarkaana dowladda dhexe iyo Odayaasha dhaqanka ay ka xaajoodaan.

Roobow ayaa hadda ku xiran Muqdisho, waxaana soo xiristiisa ka dhashay Banaanbaxyo ay ku dhinten dad badan,kuwaasoo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.