Qardho-RisaalaFM- Qaar ka mid ah dadkii xoolohooda ay kaga dhamaadeen Abaartii ku dhufatay dalkan Soomaaliya oo ku nool duleedka magaalada Qardho ee maamulka Puntland ayaa waxaa la soo deristay nolol adag.
Kaamkan ay ku nool yihiin dadkii ay xoolohooda dhaafisay Abaarta ayaa ka mid ah kaamamka barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka Qardho, iyaga oo ka soo xarooday Miyiga, kadib markii ay ka dhamaadeen xoolhii ay dhaqan jireen.
“Xoolihii waana dhaafeen Abaar ayaana la taktay, halkan ayaanu joognaa wax aanu ku heysanana ma jirto caruurtu cilmi ma dhigtaan, baahidu waa iska jirtaa, wixii aanu heysanay oo aan ku baahi beeli laheyn, waana dhaafeen, Alle ayaan weli wax ka sugeynaa”. Ayay tiri Maamo ka mid ah dadka xoolohooda ay Abaartu dhaafisay.
Sidoo kale waxa ay sheegeen dadkan in aysan heysan caafimaad, biyo ay cabaan iyo hoy wanaagsan oo ay ku hoydaan, Dowladda Federaalka, maamulka Puntland iyo Hay’adaha samafalka ayay ugu baaqeen in ay gar gaar la soo gaaraan.
Dadkan ayaa ku nool guryo ka sameysan cowshado, guryahaas oo aanan awood u laheyn in ay isaga celiyaan dhaxanta iyo qabowga.



