Wararka naga soo gaaraya Xadka ay wadaagaan gobolada Nugaal iyo Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Afar oo xoolo dhaqato ah.
Dadka ayaa lagu dilay dhanka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal , waxaana wararku ay sheegayaan in ay dileen Kooxo hubeysan.
Dilka dadkaan Shacabka ah ayaa Salka ku haayo Anooyin Qabaa’il oo Sanadyadii lasoo dhaafay ka taagneyd Xadka Nugaal iyo Sool.
Dadka Is dilay ayaa lagu soo waramaya in ay kasoo kala jeedaan maamulada Puntland iyo maamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Waxgaradka iyo Odayaasha labada dhinac ee Hawdka ayaa ku mashquulsan sidii aysan u dhici laheyn wax dambe, waxaana goobtaas lafilayaa in ay tagaan ergooyin labada dhinacba ka socda.
Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo dhacdadaasi.



