Dad Shacab ah oo lagu dilay J/Hoose

Wararka naga soo gaaraya degaanka Kudhawaa ee gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay labo ruux.

Sida uu xaqiijiyay qof ka mid ah dadka degaanka dadka la dilay ayaa ku sugnaa meel keyn ah oo Al-Shabaab ay ku sugan yihiin , waxaana halkaasi ay ka shidi jireen dhuxusha.

Dadkaasi ayaa la sheegay in ay dileen Al-Shabaab oo kasoo horjeeda Keynta ay ku jiraan meelaha u dhow in dhuxusha laga Shido.

Qof ka mid ah dadka degaanka oo Magaciisa qariyay ayaa u sheegay Idaacadda VOA-da in dadkaasi ay dileen Al-Shabaab, islamarkaana labadda Ruux ee la dilay ay ahaayeen rag 50 sano jiro ah.

Al-Shabaab ayaa la sheegay maalmihii lasoo dhaafay in ay dadkaasi uga digaayeen in ay halka ay ku sugan yihiin ay dhuxul ka shidaan.