Hay’addaha Ammaanka dalka Kenya waxay sheegeen inay xabsiga dhigeen 9 qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla magaalada Nairobi
Habeenkii Arbacada ayay booliska sheegeen in lasoo afjaray howlgalka ka dhanka ah weerarka oo ay ku dhinteen 21 qof.
Dowladda Kenya waxay sheegtay in la dilay dhammaan raggii weerarka ku qaaday dhismaha.
Ha’yadda laanqeyrta cas waxay sheegtay in 14 qof ay weli maqan yihiin.



