Dad loo soo qab qabtay qaraxii ka dhacay degmada Afgooye

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa ka warbixiyay qarax maanta ka dhacay bartamaha suuqa khudaarta ee magaaladaas.

Guddoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Caalim oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhacay dukaan lagu iibiyo qalabka Electronic-ga.

Wuxuu sheegay in ay ku dhaawacmeen seddax qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen dhallinyaro lahaa dukaanka qarxa.

Wuxuu sheegay in dadka dhaawaca la geeyay Isbitaalka Afgooye halkaasoo lagu daweenaayo.

Guddoomiyaha degmada Afgooye ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanka ay la wareegeen dukaanka uu qaraxa ka dhacay isla markaana ay su’aalo weydiinayaan dhallinyaradii kale ee joogtay.

Wuxuu sheegay in qaraxa loo soo qabtay labo wiil kuwaasoo hadda hey’addaha amaanka ay su’aalo weydiinayaan.

Wuxaana dhanka kale sheegay in xaaladda magaalada ay deggan tahay isla markaana uu suuqa howshiisa wato oo aaney wax saameen ku yeelan qaraxa dhacay.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa ka dhacay maanta duhurkii Afgooye.