Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhimatay duqeyn ka dhacday magaalo ku taalla Idlib ee dalka Suuriya.
Sidaasi waxaa sheegtay hay’ad fadhigeedu yahay Britain oo kor kala socoto xaaladda dalka Suuriya.
Dadka duqeynta ku dhintay oo dhan ayey sheegeen inay shacab yihiin, cunug yarna uu ka mid yahay.
Weerarka ayaa lala eegtay degaanka Kafr Nabal ee gobolka Idlib.
Ruushka ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inay duullaan culus uu ku qaadayo Idlib.


