Kadib Barbarihii Everton Iyo Man Utd Paul Pogba oo Weerar Ku Qaaday Tiro Saxafiyiin Ah

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa weerar ku qaaday saxaafadda iyadoona maalmihii lasoo dhaafay ay wargeysada arimaha Sports-ka qaarkood ay qoraayeen in Pogba uu u murugoonayo waayihii Juventus.

Pogba ayaana afar sano kusoo qaatay kooxda ka dhisan Turin, waxa uuna  kula guuleystay horyaalka Serie A mid kastoo kamida xilli walba.

Waxa uuna yiri: “ kaliya waxaan u tagay fasax haddana waan kasoo laabtay, runtii waxba isma bedelin, anigu waxaan ahay isla qofka” .

Xiddiga reer France ayaana hadalkan sheegay kadib ciyaartii kooxdiisa United ay 1-1 kula gashay garoonka Gudson Park kooxda Everton Axadii xalay.