Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegaya in uu qeyb ka yahay ololihiisa Doorashada.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo dhawaan gaaray Magaalada Kismaayo ayaa la kulmay Xildhibaanada cusub ee ka imaanaya degaanada maamulka Jubbaland , waxaana uu ka codsaday in ay doortaan.
Magaalada Kismaayo oo dhawaan lagu soo gabagabeeyay doorashada Aqalka Hoose ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxaa gaaraya Musharaxiin u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.


