Dacwad laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliland

Hargeysa-RisaalaFM- Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa Maxkamada Sare ee Soomaaliland u gudbiyay Dacwad ay kaga soo horjeedaan in lakala qaado Doorashooyinka, kadib markii Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanyo Wareegto ka soo baxday xafiiskiisa uu ku shaaciyay in la kala qaaday Doorashada Madaxweyne iyo mida Baarlamaanka ee Maamulka Soomaaliland.

Maxamed C/laahi oo ah Xogahayaha Guud ee xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland uu baalmaray sharuucdii Maamulka ee dhanka Doorashooyinka, taasina ay sababtay in ay Dacwad ugud biyaan Maxkamadda Sare ee Maamulka Soomaaliland.

Wuxuu sheegay Xogahayaha Guud ee xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Maxamed C/aahi in Madaxweyne Siilaanyo siyaasad gaar ah uu ka leeyahay in lakala qaado Doorashada Soomaaliland, isagoo sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay in ay fara gelin ku sameyso arintan.

Xisbiga Wadani ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in uu ka laabto go’aankii uu ku gaaray kala qaadista Doorashooyinka ka dhacaya Deegaanada Soomaaliland.