Banaanbax ka dhacay Hargeysa

Hargeysa-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada Hargeysa ka dhacay Banaanbax balaaran, kaas oo looga soo horjeeday War-Murtiyeedkii ka soo baxay Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD ee dhowaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan ayaa wuxuu ka dhacay bartamaha Magaaladda Hargeysa, waxaana dadweynihii dhigayay Banaanbaxan ay isaga kala yimaadeen xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Hargeysa, iyagoo sitay Boorar ay ku qornaayeen erayo ay kaga soo horjeedaan War-Murtoyeedklii ka soo baxay Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD ee dhowaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda IGAD.

Qaar ka mid ah Dadkii Dibadbaxan samaynayay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee Banaanbaxan uu yahay sidii ay u muujin lahaayeen Dareenkooda ay kaga soo horjeedaan Shirkii IGAD, iyadoo Banaanbaxan ay qeyb ka aheyd Xukuumada Maamulka Soomaaliland.

Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD ee dhowaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti iyo xubno ka socday South Sudan.