Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Garoowe

Garoowe-RisaalaFM- Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, Dhalinyaro iyo xubno kale.

Safarka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku tagay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay ujeedkiisa ugu weyn in uu yahay sidii Madaxda Maamulka Puntland uu ugala hadli lahaa arimo ay ka mid yihiin Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

Amaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka qaar la soo dhoobay Ciidamo aad u fara badan.