
Koox hubeysan ayaa waxa ay gobolka Waqooyi ee gooni u goosadka doonaya ee Tureq ee dalka Mali waxa ay ku dileen afartameeyo ruux todobaadkaani dhexdiisa sida ay Booliska dalkaasi warbaahinta u xaqiijniyeen.
Kooxdaani oo wata Mootooyin labba lugooleey ah ayaa waxa ay falalaka dilka ah geystaan xiliyada habeenkii ah, waxa ayna si wadar ah u dilaan dhamaan dadkii ay isha saaraan dhacaana xoolaha dadka ay dilaan.
Kooxdaan dilka ka geysata Tureq ayaa waxaa looga shaqi qabaa in ay ka tirsanyihiin Maleeshiyada Fulani oo dilal kuwaan lamid ah dalkaasi Mali ka geysata, balse Fulani iyagu ma sheegan masuuliyada dilalkaani, hase ahaatee sarkaal u hadlay dowladda Mali ayaa wakaalada wararaka ee Reauters u sheegay in Maleeshiyada Fulani ay ka dambeeyaan dilalkaani.
Booliska dalkaasi ayaa wacad ku maray in maalmaaha ina soo aadan ay gacanta kusoo dhigi doonaan dableydaan.
Mali dhawaanahaani waxaa ka dhacaayay dil waareedyo lagu laayay dad fara-badan, waxaana badi dilalkaani salka ku haayaan muran ka dhashay xoolo iyo dhul.
XIGASHO: Aljazeera TV.


