Koox dabley ah oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Maleeshiyada ADF ee ka dagaalanta Bariga Jamhuuriyada Afrikada dhexe ee Congo ayaa dilay Sagaal ruux oo shacab ahaa.
Dableydaan ayaa weerar kusoo qaaday dad beeraley ah oo ku sugnaa baadiyaha magaalada Oicha ee gobolka Beni, waxaana warbaahinta gudaha ee dalkaasi ay sheegayaan in kooxdaan ay weerarka kusoo qaaday dadkaani la dilay xili ay guryahooda ku sugnaayeen.
Milateriga dalkaasi ayaa sheegay in dableyda ay baxsadeen ayna qaateyn tirro xoolo ah oo ay lahaayeen dadka magaalada Oichi.
Milateriga dalkaasi ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dableydaan ayna cadaaladda soo taagi doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Maleeshiyada ADF ayaa tan iyo sanadkii 2014 dalkaasi Jamhuuriyada Afrikada dhexe ee Congo ka geysanaayey dilal fara-badan.
XIGASHO: Aljazeera TV



