Wararka saaka naga soo gaaraya isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay uu sidoo kale dab ka kacay isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dabka uu ka kacay qeybta qaliinada lagu sameeyo ee isbitaalka Madiino.
Maamulka isbitaalka oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan dabka ka kacay isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho.
Xalay ayaa sidoo kale wuxu dab ka kacay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Mid kamid ah dadka ku sugnaa isbitaalka ayaa idaacadda Risaala kaga waramay dabka.


