Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in dab khasaare geystay uu ka kacay xarun ganacsi oo ku taalla Isgoyska Al-baraka ee Degmadaasi.
Dabkan ayaa yimid kadib markii la gubay goob Qashinka lagu keydiyo oo akdhoweyd goobta ganacsi ee gubatay oo ku taalla Isgoyska Al-baraka.
Mid ka mid ah Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Dabka in uu geystay khasaare hantiyadeed, waxaana gubatay goobtii ganacsi ee uu dabka qabsaday.
Ciidamada amniga ayaa markii uu dabka kacay waxay si deg deg ah ku xireen dhamaan wadooyinkii halkaasi ka dhowaa, maadaama xilligaas oo kale ay jiraan dad u hanqal taagaya in ay qaataan hantida dayacan.
Kooxda Dab damiska ayaa waxa ay gaareen goobta uu dabka ka kacay, waxaana ay guuleysteen daminta dabkii ka kacay halkaasi.


