Dab ka kacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Oodweyne ee degmada Dayniile ayaa waxa ay sheegayaan in guryo ku yaalla halkaasi uu dab ka kacay.

Dabka ayaa waxa ay la sheegay in uu ka kacay guryo ay degan yihiin dad Shacab ah.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka dabkaasi waxaa ku burburay Saddex guri.

Dabdamiska oo goobta gaaray ayaa guuleystay in ay damiyaan dabkaasi.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxa dabka sababay waxaana wararka ay sheegayaan in ay sababtay Koronto.