Daawo:- Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar ” Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka waxaan ku qaban doonaa Hoolka Afisyooni”

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Shaqadii loo igmaday ee doorashooyinka Guddoonka intooda badan ay soo geba-gabeeyeen.

Wuxuu sheegay in dhamaan musharrixiinta Guddoonka Golaha Shacabka ay khudbadahooda musharraxnimo jeediyeen, hayeeshee waxa kaliya ee harsan ay tahay qabashada doorashada.

Xildhibaan Cabdirisaaq oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in doorashada Guddoonka Golaha Shacabka laga bedelay halkii ay ka dhici laheyd ee Xarunta Villa Hargeysa loona bedelay Hoolka Afisiyooni, isaga oo sababta ku sheegay in munaasabadda doorashada la doonayo in la ballaariyo oo dad badan ay kasoo qeyb galaan.

Halkan Ka Daawada Muuqaalka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed