Sool-RisaalaFM- Xanuunka shuban biyoodka ayaa ku fidaya Degaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Sool gaar ahaan Degaanka Hiile oo ka mid ah meelaha uu ku cusub yahay xanuunka.
Waxaa jira dad aad u badan oo uu soo ritay xanuunkan, kuwaasi oo isugu caruur iyo dad waa weyn, waxaana ay gaarayaan ilaa 20 Qof.
Dadkan ayaa la jiifiyay dhismaha iskuul ku yaalla halkaasi, kadib markii la fasaxay Ardayda, waxaana qeylo dhaan ka soo saaray waxgaradka.
XIGASHO:- HCTV


