Muqdisho-RisaalaFM- Abaarta iyo kuleylaha ka jira Soomaaliya waxa ay sababtay cuduro isugu jira shuban biyood iyo nafaqo daro, maadaama Abaarta ay tahay mid xoogan.
Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir ee Magaalada Muqdisho waxa uu haatan la ciir ciirayaa caruur nafaqa darada ay heyso iyo kuwo shuban biyoodka uu soo ritay.
24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa Isbitaalka waxaa la soo gaarsiiyay in ka badan 200 oo ruux, kuwaasi oo isugu jira caruur iyo waliba dad waa weyn, inkastoo caruurta ay aad u badan tahay.
Dadka cudurkan uu soo ritay ee la soo gaarsiiyay Isbitaalka la soo gaarsiiyayay ayaa waxa ay ka kala yimaadeen Degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan xeryaha Barakacayaasha.
XIGASHO:- HCTV


