DHAGEYSO: Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay weerarada Shabaab

Dhoobley-RisaalaFM- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay yaraadeen weerarada Al-shabaab ay ku qaadi jireen Degaanada Dalxiiska ee Kenya, kadib booqasho aan la shaacin oo Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu shalay ku yimid Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Uhuru Kenyatta ayaa Ciidanka Kenya ku ammaanay sida naf hurnimada leh ee ay uga qeyb qaadanayaan nabadeynta Soomaaliya, isaga oo sheegay mihiim in ay tahay niyad wanaag in loo shaqeeyo.

Mr. Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya ayaa afka ku balaariyay uguna baaqay Ciidmada Kenya in ay la yimaadaan isku xirnaan dhanka shaqada ah.

Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM waxa ay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ku leeyihiin mid ka mid ah xeryaha ugu waa weyn ee Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud sayid Aadan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa beeniyay in uu booqasho ku yimid Degmada Dhoobley Madaxweynaha Dowladda Kenya.