Howlgal gaar ah oo ka dhacay Baydhabo

Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacay Howlgal bilowday Galabnimadii maanta, kaasi oo soo gaaray ilaa caawa, sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Risaala ee Magaaladaasi.

Howlgalkan oo ujeedkiisa uu ahaa xaqiijinta amniga iyo ka hortagista falalka lidiga ku ah amniga ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Nabad sugidda iyo kuwa Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Qof ka mid ah dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Howlgalkan ka dhacay xaafadaha Magaalada Baydhabo oo ay ka mid yihiin Mursal, Horseed, Howlwadaag, Isha iyo kuwo kale in lagu soo qab qabtay dad aad u fara badan, kuwaasi oo u badan dhalinyaro.

Saraakiisha hoggaamineysay Howlgalkan ayaa Risaala u sheegay Howlgalkan dadka lagu soo qab qabtay in loo kaxeeyay xarumaha baarista Ciidanka, si halkaasi loogu kala saaro, Qofkii dambi lehna sharciga la horgeynayo, kii aanan laheyna la soo daayo.

Kooxo hubeysan ayaa xalay waxa ay weerar Bambo gacmeed ah ku qaadeen Guriga uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Shaceyb Isaaq oo ka mid ahaa Ergooyinkii soo doortay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dhaawacmen Saddex Qof.