Daawo:-Wararkii ugu dambeeyey qaraxa ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxaa maanta barqadii uu ka dhacay Bar koontorool oo lagu hubiyo Gaadiidka taas oo ku taalla Isgoyska Sayidka ee Magaalada muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu dhacay xilli gaadiid farbadan ay ku jireen safka Gaadiidka lagu hubiyo Koontoroolka sayidka ee laga ilaaliyo Madaxtooyada,waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah iyo mid hantiyadeed.