DAAWO: Taliyaha Booliska oo la kulmay xubno ka socday Midowga Yurub

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo ay wehliyaan qaar kamid ah Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socota Midowga Yurub oo ay hogaaminaysay Haweeneyda lagu magacaabo, Ms Maria Cristina-Stepanescu, oo madax ka ah qeybta Tababarada ee Ciidanka Badaha Wadamada Geeska Afrika.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa saraakiisha Midowga Yurub ka socotay waxaa uu kala hadlay sidii gacan ay ugu geysan lahaayeen dhismaha iyo qalabeynta Booliiska Soomaaliya.

Kulanka ay wada yeesheen kadib ayaa saraakiisha Midowga Yurub ka socotay waxaa ay kormeereen Dugsiga Tababarada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Haweeneyda lagu magacaabo, Ms Maria Cristina-Stepanescu, oo madax ka ah qeybta Tababarada ee Ciidanka Badaha Wadamada Geeska Afrika ayaa balan qaaday in Tababaro iyo Siminaaro ay u qaban doonaan Ciidanka Badda ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sheegtay in Qalab casri ah ay ku wareejin doonaan Ciidanka Badda ee Soomaaliya.

cap_2 cap_4 cap_1 cap_3