DAAWO:- Somaliland oo go’aano kasoo saartay xaaladda Magaalada Laas-Caanood

Kadib Wafdi kamid ah Golaha Wasiirada Somaliland ee maalmahan ku sugan magaalada Laas-Caanood kulamo kala duwana ka waday magaalada ayaa Maanta waxaa ay soo saareen go’aano ku saabsan xaaladda magaalada Laas-Canood iyo sida xal looga gaari karo xaaladaha ka taagan.

Wafdiga Wasiirada ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, kuwaas oo halkaasi u tegay xalka gaarista bannaanbaxyadii  Rabshadaha-watay ee ka dhacay magaalada Laas-Caanood, kuwaas oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.

Halkan ka Daawada Go’aannada oo uu Akhrinayo Wasiirka Warfaafinta Saleemaan Cali Koore