Daawo:- Sida uu u dhacay dilka lagu fuliyay Askarta dilalka geystay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Afar askari oo katirsan Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaliya, kuwaas oo horay dilal kala duwan u geystay.

Askartaan ayaa maalmihii la soo dhaafay ay Maxkamadeytooda ka socotay Magaalada Muqdisho, balse ugu dambeyn Maanta ay Maxkamadda Ciidamada dil toogasho ku fulisay.

Askarta Maanta dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin, Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa,  Cali Maxamuud Xuseen oo Militarega ka tirsanaa, Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Boliiska ka tirsanaa iyo Maxamed Nuur Sheekh Warre oo isna Booliiska ka tirsanaa.

Halkan ka Daawada Warka oo dhameystiran