Daawo: Shir ku saabsan Ganacsiga oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho-RisaalaFM- Shir looga hadlayo iskaashi Ganacsi oo dhexmara Soomaaliya iyo Masar ayaa wuxuu maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Ganacsato, Mas’uuliyiin ka socota Rugta Ganacsiga iyo xubno kale.

Soomaaliya iyo waliba Masar ayaa waxa ay leeyihiin xiriir wanaagsan oo soo jireen ah, waxaana ay mar walba iska kaashadaan arimo walba oo labada dal la xiriira.

Madaxweynayaasha labada dal ayaa dhowaan kulmay waxayna ka wada hadleen sidii ay u sii xoojin lahaayeen iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

d1 d2 d3 d4 d6 d7 d8