Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Shir u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, kaa soo looga hadlaayo sidii ciidamada dowladda Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen mas’uuliyada ammaanka dalka.
Shirkaan ayaa shalay gelinkii dambe ka Furmay Muqdisho waxaana ka qeyb galaya madaxda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed , Wasiiro , Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Taliska Ciidamada AMISOM.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay taageerada AMISOM u fidinayaan dadka iyo dowladda Soomaaliya.
“Waxaan marqaati ka nahay walaalaheena Afrika sida ay uga jawaabeen baaqeena ahaa xilligii mugdiga aan ku jirnay, sida ay noo caawiyeen”ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka.
Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb. Francisco Madeira ayaa sheegay in shirkan ahmiyadiisu tahay sida ugu haboon ee go’aamada iyo talooyinka loo gaari karo, hadii ay yihiin AMISOM iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka.
Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle ayaa sheegay in Ciidamada Soomaalida loo baahan yahay in la qalabeeyo, lana siiyo hubka ay u baahan yihiin, si ay ammaanka ula wareegaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal lagu xoojinaayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay AMISOM ugala wareegaan Ammaanka.



